Al-Bashiir Oo Dib Usoo Celiyay Taliyihii Sirdoonka Ee Mar inqilkaabka Umaleegay.

Tuesday February 13, 2018 - 10:36:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Bashiir Oo Dib Usoo Celiyay Taliyihii Sirdoonka Ee Mar inqilkaabka Umaleegay.

    Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa shaqada ka eryay taliyihii ugu sarreeyay sirdoonka wadanka isagoona ku bedelay siyaasi ruug caddaa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa shaqada ka eryay taliyihii ugu sarreeyay sirdoonka wadanka isagoona ku bedelay siyaasi ruug caddaa ah.



Jeneraal Salaax Cabdullaahi Qoosh oo muddo 8 sana ah maamulayay sirdoonka ayaa markale loo xil saaray in uu hoggaamiyo sirdoonka xukuumadda Suudaan.

Sanaddii 2009 ayaa Qoosh shaqada laga eryay kadib markii lagu eedeeyay in uu agaasimay inqilaab fashilmay oo Albashiir talada looga tuuri rabay kadibna xabsiga ayaa ladhigay illaa sanaddii 2013 uu kasoo baxay xabsiga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isbedelka lagu sameeyay sirdoonka Suudaan uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in inqilaab loo maleegayo Albashiir islamarkaana qalqal dhanka cuntada iyo ammaanka ah wadanka laga dareemay.



Dib umagacaabista Salaax Cabdalla Qoosh ayaa imaanaysa xilli dowladda Suudaan iyo Mareykanka ay yeesheen iskaashi ku aaddan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items