Xaaladda Gobolka Sh/Hoose Oo Deggan Kadib Dagaallo Shalay Ka Dhacay.

Tuesday February 13, 2018 - 10:44:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Gobolka Sh/Hoose Oo Deggan Kadib Dagaallo Shalay Ka Dhacay.

    Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa dhammaan deegaannadii shalay dagaallada culus ay ka dhaceen ee gobolka shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa dhammaan deegaannadii shalay dagaallada culus ay ka dhaceen ee gobolka shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle, Daarusalaam iyo Mubaarak ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana deegaanadaas maamulaya ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Qoysas shalay ka barakacay gurayhooda ayaa dib usoo laabtay, ciidamo huwan ah oo isugu jiray AMISOM iyo Mareykan ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay halkii ay kasoo duullaan tageen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay xaaladdu degantahay, ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka DF-ka ayaa shalay waxay deegaanka Mubaarak ku dileen 2 qof shacab ah iyagoona boobay hanti farabadan sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Dhinaca kale gaari nuuca dagaalka ah oo ciidamada huwanta ah looga gubay dagaalladii shalay ayaa yaal wadada jid caddaha ah ee xiriirisa degmada Awdhgeele iyo deegaanka Daarusalaam.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items