Tababare Katirsanaa Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Tuesday February 13, 2018 - 10:54:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Katirsanaa Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay ku dileen Sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore dil Muqdisho ka dhacay
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay ku dileen Sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

Maanta Barqadii ayay rag bastoolado ku hubeysanaa waxay gudaha Wadajira ku toogteen sarkaal lagu magacaabi jiray Max'med Tima Jilac oo kamid ahaa tababarayaasha ciidamada melleteriga DF-ka.

Xoogagii weerarka fuliyay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay sida ay sheegeen dadka deegaanka, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Max'med Tima Jilac sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items