Faarax Macalim "Xilli Itoobiya Ay Sii Burburayso Ayay ONLF 100 Sano Kadib isdhiibaysaa" Daawo.

Tuesday February 13, 2018 - 11:24:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faarax Macalim "Xilli Itoobiya Ay Sii Burburayso Ayay ONLF 100 Sano Kadib isdhiibaysaa" Daawo.

    Saraakiil Katirsan Ururka ONLF ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo uu ka furmay wadahadal u dhaxeeya madaxda Ururka iyo dowladda Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Katirsan Ururka ONLF ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo uu ka furmay wadahadal u dhaxeeya madaxda Ururka iyo dowladda Xabashida Itoobiya.

Shirka Nairobi ka furmay waxaa dhanka Itoobiya u metelaya Cabdi Ileey oo ah guddoomiyaha gobolka Somaligalbeed iyo Jeneraal Gabre oo kamid ah saraakiisha Itoobiya ee qaabilsan gumeysiga Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedka shirka laga leeyahay uu yahay sidii loosoo gaba gabeyn lahaa dagaalka u dhaxeeya Jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya arrinkaas oo ah isku day kale oo ladoonayo in xabashida loogu xalaaleeyo heysashada dhulka Soomaaligalbeed oo gumeysi kujira wax kabadan 100 sanadood.


Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ONLF ay ka tanaasushay wixii ay boqol sano u dagaallameysay isagoo dhaleeceeyay waxa Nairobi ka socda.

"ONLF shaqo fiican bay soo qabteen laakin hadda waa ka hoostay oo waa lagu dan gaari,hadda oo ay itoobiya sii burburayso oo ah waqtigii ay cadkooda goosan lahaayeen waaye waqtiga ay isdhiibayaan" ayu yiri Faarax Macalin.

Halkan ka degso Faarax Macalin oo ONLF dhaliilaya ama hoos ka Daawo



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items