Qof Soomaali ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Wadanka Canada.

Tuesday February 13, 2018 - 11:21:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Soomaali ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Wadanka Canada.

    Jaaliyadda Soomaalida wadanka Canada ayaa sheegtay in kooxo hubeysan ay dileen mid kamida dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadankaasi kunool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadda Soomaalida wadanka Canada ayaa sheegtay in kooxo hubeysan ay dileen mid kamida dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadankaasi kunool.


Wararka ka imaanaya magaalada Ottawa ayaa sheegaya in weerar ay kooxo gaangiistarra ah ka fuliyeen mid kamida xaafadaha magaalada ay ku dileen wiil dhalinyara ah, saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno.

Weerarka oo ka dhacay xaafadda North View Road ee magaalada Ottawa ayaa lagu dilay muwaadin Soomaali ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cigaal Daa'uud.

Ehelka Cigaal ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ogeyn sababta loo dilay wiilkooda iyo cidda dishay balse sanadadii lasoo dhaafay soomaalida ayaa kaalinta koowaad uga jirtay dadka ajaanibta ah ee lagu beegsanayo magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.


Wadamada Mareykanka iyo Canada ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee lagu dhibaateeyo Jaaliyadaha Soomaalida ee halkaas uqaxay 26-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items