Kacdoonno Dib Uga Billaawday Itoobiya iyo Mareykanka Oo Digniin Soo saaray.

Wednesday February 14, 2018 - 09:25:08 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonno Dib Uga Billaawday Itoobiya iyo Mareykanka Oo Digniin Soo saaray.

    Kacdoonno aad u xooggan ayaa dib uga qarxay qeybo badan oo katirsan wadanka Itoobiya xilli xukuumaddu ay sii daysay hoggaamiyaal katirsan kooxaha mucaaradka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacdoonno aad u xooggan ayaa dib uga qarxay qeybo badan oo katirsan wadanka Itoobiya xilli xukuumaddu ay sii daysay hoggaamiyaal katirsan kooxaha mucaaradka ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Oromia ayaa sheegaya in iskusoo baxyo ballaaran ay ka socdaan in kabadan 7 magaalo oo ay degto qowmiyadda Oromia.

Kumanaan katirsan ciidamada Booliska iyo kuwa melleteriga ayaa lagu daadgureeyay goobaha rabshaduhu ka socdaan, ragga firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Itoobiya ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinayay kumanaan kun oo waddooyinka taagan.

Ciidamada Nidaamka Itoobiya ayaa dadka u adeegsaday awood dheeri ah, ugu yaraan sedax qof shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen magaalada Harar halka duleedka Addis Ababa lagasoo sheegayo dibad baxyo rabshado wata.


Magaalada Dirirdhabe oo kamid ah dhulalka muslimiinta iyana waxaa ka dhacay iskusoo baxayo ballaaran oo lagu diidanyahay siyaasadaha qallafsan ee dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa soo saartay digniin ku wajahan muwaadiniinteeda xilliyada kacdoonnadu socdaan.

Mareykanka ayaa dadkiisa uga digay in ay usafraan Itoobiya illaa iyo 15-ka Bishan Febaraayo, sidoo kale kacdoonnada ayaa ka socda gobolka Amxaarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed