Ciidamada AMISOM Oo Madaafiic Duqeeyay Xaafadda Suuqa Xoolaha Kadib Weerar lagu qaaday.

Wednesday February 14, 2018 - 12:30:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM Oo Madaafiic Duqeeyay Xaafadda Suuqa Xoolaha Kadib Weerar lagu qaaday.

    Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan xalay ka dhaceen xerada Maslax oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan xalay ka dhaceen xerada Maslax oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa garneello ku weeraray saldhigga kadibna waxaa xigay iska hor'imaadyo fool ka fool ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay saaka waaberigii madaafiic ku duqeeyeen xaafadda Suuqa xoolaha oo dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Muqdisho.

Waa Weerarkii ugu xooganaa ee ciidamada AMISOM ku qabsada magaalada Muqdisho sanakan billaawga ah 2018, iyadoona xarakada Al Shabaab ay ku hanjabtay in ay sii wadayso weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items