Yaa Maamulaya Degmada Sablaale? Maxaase Ka Jira in Ciidamada AMISOM Ay Qabsadeen? [Warbixin].

Thursday February 15, 2018 - 12:09:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Maamulaya Degmada Sablaale? Maxaase Ka Jira in Ciidamada AMISOM Ay Qabsadeen? [Warbixin].

    Kuwa Badan oo kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafinayay war ah in ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay qabsadeen degmada Sablaale oo katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuwa Badan oo kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafinayay war ah in ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay qabsadeen degmada Sablaale oo katirsan Sh/Hoose.

Baaritaan aan sameynay ayaan ku ogaanay in haba yaraatee aysan waxba  kajirin wararka sheegaya in degmada Sablaale ay gacanta cadowga gashay.

Mas'uuliyiin iyo dadka deegaanka ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in Sablaale ay xaaladeedu degantahay islamarkaana aysan waligeed ku dhicin gacanta ciidamo shisheeye.

Degmada Sablaale ayaa qiyaastii 30 KM ujirta magaalada xeebta leh ee Baraawe waxaana magaalada muddo ku dhow 10 sanadood kajira maamul islaami ah oo soo dabaalay ammaankii iyo kala dambeyntii luntay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Siyaad Barre.


Idaacado kuyaal magaalada Muqdisho oo usii xuub siibanaya in ay Makaroofan unoqdaan AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay faafinayay guulo been ah oo ay siinayaan shisheeyaha sida magaalooyin aan laqabsan oo ay ku sheegayaan in laga qabsaday Al Shabaab.

Sablaale iyo dhammaan tuulooyinka hoos yimaad waxaa maamulaya wilaayada Islaamiga ah, si caadi ah ayayna ku socdaan howlla maalmeedka dadka deegaanka "Wilaayada islaamiga ah ayaa joogto magaalada Sablaale, wararka ay sheegeen idaacadaha waa waxba kama jiraan majiraan wax ciidamo gaalo ah oo magaalada qabsaday" sidaas waxaa yiri ku sugan Sh/Hoose.

Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha inbadan oo kamid ah waxay noqdeen kuwa aan khibrad laheyn oo awoodi  la' in warar sugan ay ugudbiyaan dadka dhageysta ama daawada ama akhrista marka laga reebo in yar oo iska hubiya ilo wareedka ay xiganayaan.

Duullaanka ciidamdaa shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya waxaa barbar socda dagaal dhanka maskaxda ah oo ku socda shacabka Soomaalida, dagaalka ishaacaadka ayaa safka hore ka ah asaaliibta gumeystuhu wadanka ku qabsanayo balse waxaa jira warbaahin mar walba utaagan soo gudbinta xaqiiqda inkasto oo aysan badneyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items