Daraasad : Al Shabaab Waxay Ka Fogaataa Khasaara Dadka Shacabka Ah Kasoo Gaara Weerarada ay ku beegsanayso Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Thursday February 15, 2018 - 18:45:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad : Al Shabaab Waxay Ka Fogaataa Khasaara Dadka Shacabka Ah Kasoo Gaara Weerarada ay ku beegsanayso Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

    Xarun cilmi baarista qaabilsan oo uu leeyahay melleteriga dalka Mareykanka ayaa warbixin cusub oo ay kasoo saartay weerarada qaraxyada ah ah ee Xarakada Al Shabaab ka fulisay Soomaaliya waxay ku sheegtay in ay labeegsado ahdaaf sarsare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarun cilmi baarista qaabilsan oo uu leeyahay melleteriga dalka Mareykanka ayaa warbixin cusub oo ay kasoo saartay weerarada qaraxyada ah ah ee Xarakada Al Shabaab ka fulisay Soomaaliya waxay ku sheegtay in ay labeegsado ahdaaf sarsare.



Xarunta Combating terrorism Center ayaa warbixin dhan 40 bog ka diyaarisay qaraxyadii ay fulisay Al-Shabaab intii u dhexeysay 2006 illaa 2017.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Al-Shabab ay dalka Soomaaliya ka fulisay 155 howlgal istish-haadi ah oo ay ku dishay ugu yaaran 595 qof ugu badnaana 2218 qof.

Waxay sheegtay in Al shabaab ay weerarada ugu xooggan ku beegsatay mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Federaalka, xarumaha Q.Midoobay iyo saldhigyada ciidamada midowga Afrika ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.



Waxa kale oo ay warbixintu xaqiijiysay in weeraradu ay yihiin kuwo bartil maameedkoodu sarreeyo oo lagu waxyeeleyay dowldda Federaalka ah iyo saxiibadeeda caalamka sida Hey'adaha UN-ka iyo ciidamada AMISOM.

" si ka duwan kooxaha kale Al-Shabaab waxay si aad ah uga fogaataa waxyeeleynta dadka Shacabka ah marka ay beegsaneyso dowladda iyo saaxiibadeeda midowga Afrika" ayaa lagu yiri warbixinta.

Bishii Agoosto ee sanaddii 2017 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu xooganaa ee abid ka dhaca dalka Soomaaliya waxaana ku dhintay dad kabadan 400 oo qof balse majirin cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas halaagga badan dhaliyay.

Xarakada Al Shabaab ayaa beyco kula jirta Ururka Al Qaacidda oo hoggaaminaya dagaalka Jihaadka caalamiga ah ee lagula jiro Mareykanka iyo xulufadiisa, Hoggaanka Al Qaacidda Dr. Aymen Al-Dawaahiri ayaa kalimado dhowr ah oo uu jeediyay wuxuu faracyada Ururka kula dardaarmay in ay ka fogaadaan waxyeelaynta dadka shacabka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items