Dhageyso: Hoggaamiya Al Qaaciidda Oo Ku Baaqay in Jihaad Lagu Rido Dowladda Masar Ee Alsiisi Madaxda Ka Yahay.

Saturday February 17, 2018 - 11:57:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Hoggaamiya Al Qaaciidda Oo Ku Baaqay in Jihaad Lagu Rido Dowladda Masar Ee Alsiisi Madaxda Ka Yahay.

    Mu'asasada As-sahab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al Qaacidda ayaa faafisay kalimad maqal ah oo uu jeediyay Dr. Aymen Al Dawaahiri oo ah Amiirka Ururka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada As-sahab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al Qaacidda ayaa faafisay kalimad maqal ah oo uu jeediyay Dr. Aymen Al Dawaahiri oo ah Amiirka Ururka.


Kalimaddan oo muddo 9 daqiiqo ah la dhageysan karo ayuu diiradda ku saarayaa xaaladaha wadanka Masar iyo maamulladii wadanka soo maray sida ay u dhibaateynayeen shacabka rayidka ah, wuxuu soo sardiyay kacdoonnadii guga Carbeed sida loo dhiciseeyay mirihii ka dhashay.

Al Dawaahiri ayaa shacabka Masaarida ku booriyay in ay ridaan nidaamka Cabdi Fataax Alsiisi oo uu ku sifeeyay Niddaam diinta islaamka ka baxay

"waxaan ku baaqayaa in dhamaan laga wada shaqeeyo sidii loo xididda siibi lahaa Nidaamka Murtadka faasidka dambiilaha ah waa in jihaad hubeysan iyo caddeymo xaq ah, naf iyo maal lagula dagaallamaa, waa in weeraro dhabbagal ah, mudaaharaadyo iyo qulqulatooyin lagu kiciyaa" ayuu yiri Dr.Ayman.


Ururka Alqaacidda ayaa dhowr mar weeraro dhanka Afka ah ku qaaday maamulka Cabdi Fataax alsiisi balse warbaahinta reergalbeedka waxay sheegaysaa in Ururka Al Muraabiduun oo weerar dhiig badan ku daatay Masar ka fuliyay uuna hoggaamiyo Heshaam Cashmaawi uu xiriir la leeyahay Al qaacidda waxaana weeraradaas lagu dilay tobanaan askar Boolis iyo melleteri ah.

Boorrintan ka timid Al Qaacidda ayaa imaanaysa iyadoo maalmo kooban ay ka harsanyihiin doorashooyinka madaxtinimada dalka Masar waxaana doorashadaas lafilayaa in uu kusoo baxo Cabdi Fataax Alsiisi oo inqilaan melleteri talada kula wareegay sanaddii 2013.

Halkan ka degso Kalimadda oo Afsoomaali ka Tarjuman MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items