Khilaaf Soo Kala Dhaxgalay Taliyaha Ciidanka 'Xoogga' iyo lataliyaha Farmaajo Ee Dhanka Amniga

Sunday February 18, 2018 - 11:53:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Soo Kala Dhaxgalay Taliyaha Ciidanka 'Xoogga' iyo lataliyaha Farmaajo Ee Dhanka Amniga

    Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo salka ku haya sida loo maamulayo hubka iyo saadka ciidanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo salka ku haya sida loo maamulayo hubka iyo saadka ciidanka.

Qoraallo ay warbaahinta isku dhaafsadeen mas'uuliyiinta ciidanka DF-ka ayay awaamir kala duwan isku dul dhigen, Cabdi Saciid Muuse Cali oo ah lataliyaha dhanka ammaanka ee Farmaajo ayaa amar kusiiyay Cabdi Wali Jaamac Gorod taliyaha ciidamada 'Xoogga' in uusan bakhaarrada ka bixin karin hub iyo saad ciidan isaga oo aan soo wargelin xafiiskiisa islamarkaana uusan xogaha ciidanka la wadaagi karin dowladaha shisheeye amar la'aan.

Jeneraal Cabdi Wali jaamac Gorod ayaa warqad qoraal ah ugu jawaabay Cabdi Saciid Muuse wuxuuna si cara leh u sheegay in uusan fara gashan karin shaqadiisa.


Jiha wareer iyo wada shaqeyn la'aan ayaa hareesay xafiisyada madaxda dowladda Federaalka, arrinta layaabka leh ayaa ah lataliye ammaan oo amar siinaya taliyaha ciidanka ugu sarreeya iyo agaasime wasaaradeed oo wasiirkii wasaaradda awaamir siinaya.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items