Sawirro: Baraf iyo Ceeryaamo Caqabad Ku Noqday Gurmad loo Fidinayay Dadkii Ku Waxyeeloobay Shil Diyaaradeed oo Iran Ka Dhacay.

Monday February 19, 2018 - 10:02:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Baraf iyo Ceeryaamo Caqabad Ku Noqday Gurmad loo Fidinayay Dadkii Ku Waxyeeloobay Shil Diyaaradeed oo Iran Ka Dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay wadanka Iran ee dhaca qaaradda Asia waxaana dhintay dhammaan rakaabkii diyaaradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay wadanka Iran ee dhaca qaaradda Asia waxaana dhintay dhammaan rakaabkii diyaaradda.

Wasaaradda duulista hawada dowladda Iran ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ku dhacday dhul buuraley ah bartamaha gobolka Asfahaan.

60 qof oo rakaab ah iyo 6 qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda ayaa ku dhintay shilka sida ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo gaaray dhulka buuraleyda ah ee Zaagaroos ayaa sheegay in baraf saa'id ah oo ku da'aya mandiqadda uu wiiqay gurmadkii loo fidinayay dadka ku dhintay shilka diyaaradeed.


Guddoomiyaha gobolka Isfahaan ee diyaaraddu ku dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in 50 daqiiqo kadib markii diyaaraddu ka kacday garoonka diyaaradaha magaalada Mahar Abaad ay ka qarsoontay aaladda Raadaarka ee diyaaradaha lagula xiriiro.

Tobaneeyo qoys oo murugeysan ayaa buux dhaafiyay xafiisyada diyaaraddu ka diiwaangashaneed waxayna ka war dhowrayaan khabarka kama dambeysta ah ee laga sugayo saraakiisha dowladda.

Dalka iran wuxuu kamid yahay wadamada ugu shilalka badan caalamka sanad walba boqolaal qof ayaa u dhinta shilal diyaaradeed.




Related Items