Dhageyso: Nin Haweenay Kufsaday Oo Maxkamad Islaami ah Ku Xukuntay 100 Garbaash.

Tuesday February 20, 2018 - 08:35:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Nin Haweenay Kufsaday Oo Maxkamad Islaami ah Ku Xukuntay 100 Garbaash.

    Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fulisay Xad ka mid ah Xuduuda Alle kaasi oo ka dhacay fagaara weyn oo ku yaala magaalada Jilib ee Jubbada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fulisay Xad ka mid ah Xuduuda Alle kaasi oo ka dhacay fagaara weyn oo ku yaala magaalada Jilib ee Jubbada dhexe.


Xadkan oo ahaa Xad Zina ah waxaa lagu fuliyay Nin kufsi  u geystay Haweeney da'a ah oo kamid ah shacabka kunool tuulooyinka hoos yimaad magaalada Jilib.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah oo xukunka ka akhriyay goob fagaare ah ayaa sheegay  in  Haweenay lagu magacaabo (duqeey Tuunka Qanjoora) ay soo dhacweysatay  Nin lagu magacaabo Max'med Cabdi Maxamuud.

  Ninka la eedeeyay ayaa qiray in uu kufsaday waxaana  lagu dhuftay Boqol Garbaash maadaama uusan horay guur soo marin ,sidoo kale waxaa laga qaaday Meherka haweeneyda uu kufsaday oo gaaray Afar qaalmood oo Lo' ah isla goobta ayaana Meherka looga qaaday

Fagaaraha Xadka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Jilib, Xarakada Al Shabaab ayaa gobollada ay ka maamusho Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ka hirgelisay maamullo islaami ah oo tadbiiqiya shareecada Islaamka.



Halkan ka degso Xukunka Maxmakadda ama Hoos ka dhageyso


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items