Daawo: SheekhCali Wajiis oo Fatwooday In La Baado Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Tuesday February 20, 2018 - 21:49:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo: SheekhCali Wajiis oo Fatwooday In La Baado Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

    Caqabadaha heysta ganacsatada magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha waa mid loo degay istaraatiijiyad fog oo muddo dhowr bilood ah la karkarinayay, waxaana jira dowr ama kaalin ay arrintani ku leeyihiin wadaadaha u fatwooda DF iyo Amisom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caqabadaha heysta ganacsatada magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha waa mid loo degay istaraatiijiyad fog oo muddo dhowr bilood ah la karkarinayay, waxaana jira dowr ama kaalin ay arrintani ku leeyihiin wadaadaha u fatwooda DF iyo Amisom.


Sheekh Cali Maxamuud Xassan (wajiis) oo kamid ah hey’adda culimada ee ay dowladdu dhisatay ayaa usbuucyo ka hor xirnaanshaha suuqa Bakaaraha sii fatwooday in la baado ganacsatada.

Isagoo ka qeyb galayay shir uu soo abaabulay wasiirka maaliyadda C/raxmaan Bayle ayaa waxa uu jeediyay khudbad laga dheehanayay inuu si xad dhaaf ah u faraxsan yahay.

Wuxuu amaan xad ka bax ah kala dul dhacay wasiirka, isagooo sheegay in tan iyo markii uu Beyle maaliyadda la wareegay ay indho kala qaad yeesheen loona baahan yahay in madaxda dowladda ay mudada afarta sannadood ah xilka ka qaadin Beyle.


Amaanta Beyle kadib wuxuu fatwooday in Albaabka kasta, qof kasta iyo wado kasta laga qaado lacag canshuur ah, waliba taa waxa kasii daran oo uu amar ku bixiyay in ganacsatada waaweyn ee Bakaaraha midkiiba bilkasta laga qaado lacag BOQOL KUN OO DOOLAR AH.

Cali Wajiis ayaa sheegay in lacagtaasi ay dowladda ka faa’iideysanayso islamarkaana lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab oo uu horey ugu amaanay in dhulka ay ka taliso uu ka nabdoon yahay meelaha ay dowladda iyo shisheeyuhu heystaan.

"Macallin wasiir, noo soo daji istaraatiijiyo canshuurta bariga iyo badda, xoolaha iyo dadka nool, iyo jidadka iyo baabuurta, dhammaan wax dhaqaaqa iyo wax aan dhaqaaqin inta lacag la saaro, khasnaddu waa iney buuxsantaa, dalka waa in bilo lagu xureeyaa, saan ognahay sannadkan hadda noo billowday waxaa la rabaa in dalka laga xoreeyo argagixisada” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga qaadaa canshuur xad dhaaf ah kadibna waxaa la siiyaa madaxda maamul goboleedyada, tanina waxay keeni kartaa in gaajada iyo sicir bararka ka jira Muqdisho uu cirka isku sii shareero, dadkuna shaqaale u noqdaan hey’adaha iyo shirkadaha ajnabiga ah ee ilahoodii dhaqaalaha la wareegay.

Ummad markii sidaas oo kale laga dhigo ayaa la gumeysan karayaa, waxaana haatan Muqdisho ka socda dagaal ba’an oo ka dhan ah dhaqaalaha iyadoo aan ognahay in meesha kaliya ee ay bulshada ka dhaqdhaqaaqeysay uu ganacsiga ahaa.

Xalay waxaan la sheekeysanayay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho kaasoo isagoo xilliyada qaar ooyaya ii sheegay in ay talo faraha ka baxday dalkana la qabsaday. Inkastoo uu iga codsaday inaan baahin codiisa iyo magaciisaba haddana wuxuu ii sheegay xog badan oo ka marqaati kacaysa in markan uu dagaal culus soo wajahay dhaqaalaha bulsahda Muqdisho.

Xigasho: Amiirnuur.com


Related Items