Qarax 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Warmaxan Gobolka Sh/Hoose.

Wednesday February 21, 2018 - 12:35:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Warmaxan Gobolka Sh/Hoose.

    Ku dhawaad toban askari oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar cusub oo lagula beegsaday deegaan katirsan Gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad toban askari oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar cusub oo lagula beegsaday deegaan katirsan Gobolka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya degmada W/weyn ayaa sheegaya in qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Warmaxan iyo degmada W/weyne uu sababay khasaara lixaad leh.

8 askari oo katirsan melleteriga dowladda Federaalka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa oo haleelay gaari Tikinika ah, dhammaan ciidamadii gaariga la socday ayaa noqday dhimasho iyo dhaawac.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.


Qaraxyada ka dhasha Miinooyinka dhulka lagu aaso ee ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM lagula eegto waddooyinka ayaa cuuryaamiyay dhaq dhaqaaqyadii ay dhinacayadaas cadawga ah sameynayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items