Sawirro: Sidaan Ayay Dowladda Ruushka U Xasuuqaysaa Shacabka Rayidka ah Ee Suuriya.

Wednesday February 21, 2018 - 20:48:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidaan Ayay Dowladda Ruushka U Xasuuqaysaa Shacabka Rayidka ah Ee Suuriya.

    waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Bishaar Al-asad ay ka geysteen magaalada Ghuudada Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Bishaar Al-asad ay ka geysteen magaalada Ghuudada Bari.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 280  qof ay ku dhinteen duqeymaha lagu baabi'inayo muslimiinta ee Ghuudada Bari ka socda.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dhimasho hor leh ay ka dhalatay duqeymo cusub oo maanta ka dhacay magaalada, Meydadka ayaa wali daadsan waddooyinka.

Sedax kamid ah isbitaallada magaalada Alghuudah ayaa shaqada gabay kadib markii ay burburiyeen diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka.


Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirro muujinayay xasuuqa ka socda wadanka Suuriya, sawirrada lafaafiyay waxaa kamid ahaa carruur dhiiggu ka da'ayo oo burburka dhismayaasha hoostooda lagasoo saarayo iyo Meydad waran magaalada.

Tani waxaa xasuuq aan loo meel dayin oo ay geysanayso dowladda Ruushka waxaana sheedda ka daawanaya dowladaha dabadhilifyada Carabta ee dariska la ah Suuriya iyo kuwa ka fog.

Ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad iyo maleeshiyaadka shiicada ah oo dhanka cirka ay ka taageerayso Russia ayaa doonaya in ay qabsadaan dhammaan deegaannada ku dhow magaalada caasimadda ah, waxayna iska dhega tirayaan heshiisyadii ay mucaaradka lagaleen ee dhigayay in colaadda lajoojiyo.

Sidaas oo ay tahay ayay qaar kamid ah xoogaga Kacdoonka Suuriya dhaxdooda ku dagaallamayaan gobolka Xalab, intii ay ugurman lahaayeen ayay daadinayaan dhiiggooda iyo midka shacabka tanina waxay kamid tahay musiibooyinka joogtada ah ee maalin walba lagasoo warinayo dhulka Shaam.











Related Items