Weerar 5 Askari American Ah Lagu Dilay Oo Afghanistan Ka Dhacay.

Wednesday February 21, 2018 - 20:36:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari American Ah Lagu Dilay Oo Afghanistan Ka Dhacay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan ah lagu dilay weerar ay fuliyeen dagaalyahannada Taliban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan ah lagu dilay weerar ay fuliyeen dagaalyahannada Taliban.

Ugu yaraan laba diyaaradood oo ay wateen ciidamada isbaheysiga NATO ayaa la sheegay in lagu burburiyay weerar aad u xooggan oo lala eegtay garoonka diyaaradaha melleteriga gobolka Farah ee galbeedka Afghanistan dhaca.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Taliban ayaa lagu sheegay in 5 askari American ah  iyo Jeneraal katirsan Xukuumadda Kabul ay ku dishay weerar si aad ah loosoo qorsheeyay.

Talibaan ayaa sare uqaadday beegsiga ay ku heyso ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka Afghanistan, isbahaysiga NATO ee 16 sanadood ka hor wadanka ku duulay ayaa awoodi waayay in ay wiiqaan xoogaga Jihaadiga ah ee wadankaas ka halgamaya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items