Askar Faransiis Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Maali.

Thursday February 22, 2018 - 12:21:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Faransiis Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Maali.

    Bayaan kasoo baxay qasriga madaxtooyada Elysee ee looga arrimiyo wadanka Faransiiska ayaa lagu xaqiijiyay in qarax ka dhacay wadanka Maali lagu dilay ciidamo katirsan Melleteriga Faransiiska ee qeybta ka ah duullaanka lagu qaaday wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay qasriga madaxtooyada Elysee ee looga arrimiyo wadanka Faransiiska ayaa lagu xaqiijiyay in qarax ka dhacay wadanka Maali lagu dilay ciidamo katirsan Melleteriga Faransiiska ee qeybta ka ah duullaanka lagu qaaday wadankaasi.


Wararka ka imaanaya waqooyiga Maali ayaa sheegaya in laba askari ay dhinteen sedax kalane ay dhaawacmeen kadib markii Miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaari gaashaaman oo ay ciidamada Faransiiska la socdeen.

"Madaxweyne Emmanuel Macaron waxaa soo gaaray warka xaqiijinaya in Miino gacan ku sameys ah ay dishay laba askari oo kamid ah ciidamada Faransiiska ee ka howlgelaya wadanka Maali" ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada magaalada Paris.


Dowladda Faransiiska waxay sheegtay in ay cambaaraynayso weerarka askarta looga dilay waxayna ku eedaysay xoogaga jihaadiga ah ee dagaalka uga jira waqooyiga wadanka Maali.

Labada askari ee lagu dilay wadanka Maali ayaa tirada ciidamada Faransiiska looga dilay wadankaasi ka dhigaysa 12 askari sida ay sheegtay dowladda Faransiiska balse xoogaga jihaadiga ah ee wadanka Maali ka dagaallamaya ayaa dhimashada ciidanka Faransiiska gaarsiinaya boqolaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items