Maqaal: Xilalka "Dowladda Federaalka" Waxaa Lagu Qeybsaday 4.5, Canshuurtana Waxaa Laga Qaadayaa Muqdisho oo Kaliya!! W/Q Warfaa Kheyrdoon

Thursday February 22, 2018 - 21:19:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Xilalka "Dowladda Federaalka" Waxaa Lagu Qeybsaday 4.5, Canshuurtana Waxaa Laga Qaadayaa Muqdisho oo Kaliya!! W/Q Warfaa Kheyrdoon

    Markaan arkay xaaladda ka taagan Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, Markaan arkay cabashada bulshada iyo ganacsatada Muqdisho, Markaan arkay awaamiirta canshuur dalbasho ee dowladda. Markaan qiimeeyay halka ay wax iska qaban la'yihiin, ayaa wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaan arkay xaaladda ka taagan Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, Markaan arkay cabashada bulshada iyo ganacsatada Muqdisho, Markaan arkay awaamiirta canshuur dalbasho ee dowladda. Markaan qiimeeyay halka ay wax iska qaban la'yihiin, ayaa waxaa ii soo baxay qodobo dhowr ah oo ay tahay in la baraarujiyo.


Maqaalkan waxaan daah-fur uga dhigayaa qaaciddo muhiim ah oo oranaysa "inta aadan cudurka daweyn bal eeg waxa sababay” sidaa darteed waxaan marka koowaad milicsanayaa aas-aaska hoose ee mushkiladda.

Mushkiladda Kowaad (DIIN)

Madaxweynaha DF Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka maaliyadda ayaa waxaan ka dhageystay iyagoo oranaya hooyada Yaanyada goobeeneysa iyo midda sambuuska iibineysa waxaa laga rabaa canshuur!



Shareecada islaamku waxay qabtaa taa bilcagsigeeda oo ah, in dadka hodanka ah wax laga qaado kuwa fuqarada ahna lagu celiyo si ummadu u noqoto mid isku dhex nool oo uu keeda hodankiihi soo kiciyo kan miskiinka ah.

Kolley waxaa ii muuqanaya xaq darro laga galayo dadka tabaaleysan ee u baahan in noloshooda la kaabo oo laga war qabo sida ay Diinteena ina farayso. Waxaa kale oo halkaa iiga muuqda damiir xumo, waayo sidee qofka insaanka ah ugu cuntami kartaa inuu ku caweeyo oo oo uu xaflado iyo music ku dhigto canshuur uu ka qaaday hooyo xijaabkii ku cadaaday sidey qorraxda Yaanyo ula taagneyd?

Haddaba waxaa halkan ka cad in dhaqaalaha dowladda aanu ku saleysnayn kii Islaamku jideeyay, balse uu ku saleysan yahay kan dowladaha reer galbeedka. Mar walba oo uu canshuurta ka hadlayo wasiirka maaliyadda wuxuu daliishadaa dowladaha galbeedka iyo sida ay u qaadaan iyadoo aadan marnaba arkeyn isagoo daliishanaya Qur’aanka, sunnada, Ijmaaca iyo Qiyaaska.

Mushkiladda Labaad (Federal iyo Cadaalad Xumo)

Iyadoo Federalka la keenay Soomaaliya uu yahay mid u gogol xaaraya sidii dalka loo qeybin lahaa looguna kala dari lahaa labada dowladood ee cadawga ah ee Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa haddana dadka qaar laga dhaadhiciyay inuu yahay wax iska caadi ah oo horumar lagu gaarayo islamarkaana lagu qeybsanayo siyaasadda iyo dhaqaalaha, laakin waxaa meesha kasoo baxday (La Jiifiyaana Bannaan”.

Markaad eegto miisaaniyadda 2018 ee dowladda, dakhliga la doonayo inuu dowladda kasoo galo dalka waxaa la qorsheeyay oo kaliya in laga qaado bulshada magaalada Muqdisho kadibna loo qeybiyo madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa DF.

Marka kowaad waxaa cadaalad darro ah in bulshada hal magaalo oo kaliya ay dowladdu ka qaado canshuur iyadoo sheeganaysa iney maamul goboleedyada xukunto. Waxaa kale oo xad gudub ah in lacagtii laga qaaday hooyada dan yarta ah ee caruurta agoonta ah korineysay iney ku raaxaystaan Xaaf, Waarre, Shariif Sakiin, Axmad Madoobe, C/wali Gaas IWM.





Mushkiladda Sadaxaad (Lacagtaada aan kugu dilo)

Shaqada ugu weyn ee ay beesha caalamku u dhiseen DF waa la dagaalanka waxa loogu yeero "argagixisada” oo ah mashruuc ay iyagu sameysteen balse aaney Soomaalidu shaqo ku lahayn.

Haddaba halkii ay ahayd dhaqaalaha laga qaado bulshada Muqdisho in ay ku helaan nabad iyo horumar ayaa waxaa canshuurta laga fara marooqsado loogu bedelaa caqabado badan.

  • Wadooyinka oo dhagxaan lagu gooyo.

Wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho islamarkaana halbowlaha u ah horumarka dhaqaalaha waxay dowladdu ku gooysay dhagxaan. Xilliyada qaar markii ay wufuuda ajaanibtiihi imanayaan lama ogola wax dhaqdhaqaaq ah.

Haddaba is weydii imisa lacag oo is dhaafi lahayd ayaa halkaasi ku baaqanaysa nin ajnabi ah oo imanaya dartii? Imisa maqaayadood oo aroortii xoolo qalay, oo quraac kariyay ayuu raashinku ku baarayaa markii wadada la xiro kuwaasoo haddana canshuur laga rabo!.

Muddo dhowr jeer ah waxaa jidka Maka Al-mukarama ku umulay gabdho Soomaaliyeed oo Xamar ku dhashay kadib markii askari shisheeye uu celiyay gaarigii Isbitalka u waday? gabdhahaasoo haddana canshuur laga doonayo!.

Ciidamada dowladda waxaa Muqdisho gudaheeda u yaalla isbaarooyin sida ay shirkoodii jaraa’id ku xaqiijiyeen ganacsatada gobolka Banaadir. Haddaba aqristow halkee caalamka ka jirtaa in bulshada hal magaalo la canshuuro kadibna lasii isbaareysto?.




  • Raaf Wadareedka.

Muqdisho waxaa caadi ka ah in xilli saq dhexe ah ay guryahaaga usoo daataan ciidamo afka u duuban yahay oo ay ajaanib kamid yihiin kuwaasoo iyagoo tooshashash wata dul yimaada sariirtaada kadibna qalqal galiya qoska oo dhan, kuwaasoo waliba kusii sawiranaya adiga, xaaskaaga iyo caruurtaada oo aanan diyaarsanayn! Waa lacagtii aad bixisay oo laguugu qalqal galinayo!.

Intaa waxa dheer in boqolaal dhallinyaro ah inta hurdada laga soo jafo la isugu geynayo barxad dhaxan ah illaa uu waagu ka baryo. ma jirto weyso iyo salaad subax kadibna xabsiga ayaa loo dhaadhiciyaa iyadoo maalmo jeelka ah iyo laaluush kadib loo sheego iney fasax yihiin oo dambi lagu waayay.

Ardaygaas waxaa ka baaqday iskuulkii ama jaamacaddii. Aqoonyahankaas waxaa ka baaqday khudbado uu jeedin lahaa iyo shaqooyin uu qaban lahaa. Ganacsadahaas waxaa ka lumay waqti uu ku sameyn lahaa lacag uu nolosha qoyskiisa ku maareeyo. Waxa sidaasi loogu galayna waa canshuurtii laga qaaday iyadoo haddana mid dheeraad ah laga doonayo!.




  • Cadaalad darrada garsoorka.

Canshuurta gaarka ah ee laga qaado shacabka Muqdisho kuma haystaan cadaalad beddelkeedana waxay u garsoor doontaan maxkamadaha islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Al-Shabaab taasoo ah arrin la wada og yahay oo ay xitaa qireen madaxda dowladda qaarkood iyo hey’ado caalami ah oo warbixinno kasoo saaray.

Marka aad mareyso wadooyinka magaalada Muqdisho waa inaad iska fiirisaa gaari Amisom ah oo wadada kusoo jira, haddii aad aragtana waa inaad wadada uga baxdaa ama aad meel gees ah isku buurataa, haddii kale wey ku dul marayaan. Canshuurna waa lagaa doonayaa!



HALKAN KA DAAWO VEDO TARSAN OO QIRAYA CADAALAD DARRADA GARSOORKA DF.

  • Ilihii Dhaqaalaha oo Shisheeye Heysto.

Ilaha dhaqaalaha ee Muqdsiho waxaa heysta shirkado iyo dowlado shisheeye oo Turkidu kamid yihiin kuwaasoo qaata 60% dhaqaalaha soo xarooda. Dhaqaalahaas oo aanan suuqyadeena soo galin ayaa si toos ah u aada dalal shisheeye.

Waxay ahayd in ay dowladdu maamusho dekedda laakin waxay sheegtay inaaney kartidaasi lahayn. Sidaa darteed su’aashu waxay tahay sidee dal dhan u maamuli kartaa dowlad maamuli weysay hal deked?.

Waxaa jira ganacsato ajnabi ah oo badeecooyin lasoo dega oo aanan wax canshuur ah laga qaadin, halka ganacsadaha Soomaaliyeed laga qaado canshuur xad dhaaf ah kadibna suuqa looga daba keeno badeecadii ajaanibta oo raqiis ah.

Waxay isoo xusuusisay arrin murugo leh oo aan dhowr sannadood ka hor kusoo arkay magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya taasoo ahayd in shidaalka halkaasi lagu iibiyaahi uu ku qiimo ahaa kan magaalada Berbera! Markii aan sababta baarayna waxay noqotay in ganacsadaha Soomaaliga laga qaado canshuur, kan Itoobiyaankana aan lagu canshuurin dekedda Berbera.






Mushkiladda Afaraad (4.5)

DF waxay ku dhisan tahay nidaam xad gudub ku ah shareecada islaamka oo 4.5 la yiraahdo kaasoo micnihiisu yahay in qaar kamid ah qabaa’ilku ka xuquuq badan yihiin kuwa kale oo walaalahood ah.

Haddaba, marba haddii la ogolaaday nidaamkaasi waxay dadka qaar qabaan iney ahayd in canshuurtana lagu qaado 4.5, kadibna lagu qeybiyo 4.5, sida haddaba deeqaha wax barasho ee dibadda loogu qeybsado qabiilka.

Dhab ahaantii aad ayay u dulman yihiin bulshada magaalada Muqdisho oo ka kooban Soomaali oo dhan kadib markii kaligood lagu farad yeelay lacag laga qaadayo kooda taajirka ah iyo kooda faqiirka ahba, lacagtaas oo haddana loo adeegsanayo dhibaatayntooda, shirar, xaflado, heeso iyo ol’le siyaasadeed.



Gunaanad.

Madaxda dowladda federalka ah waxay siyaasiyiinta mucaaradka ah ku ceebeeyaan in marka ay dhaliil soo jeediyaan aaney raacin xalka, sidaa darteed anigu waxba hagran mayo oo waxaan halkan kusoo bandhigayaa sida rasmiga ah ee dhibka looga bixi karo.

Marka aan xalka tilmaamayo sida siyaasiyiinta qaar, masoo xiganayoMark Twain,NelsonMandela iyoDNChin. Balse waxaan soo xiganayaa Aayaad oo mowduucan quseeneysa iyo hal Xadiith oo ka sugan nabigeena Muxamad Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaato’e.

قال تعالى: ﴿قُلْ إِنْ كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُمْ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّى يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ﴾ [التوبة: 24]

Aayaddan wuxuu Allaah inoogu soo gudbiyay goodi adag, haddii aabayaasheen, caruurteena, walaalaheen, xaasaskeena, qaraabadeena, maal aan kasbannay, ganacsi aan ka baqayno inuu baaro iyo guryo aan ka raali nahay, aan ka jeclaano Allaah, Rasuulkiisa iyo Jihaad Jidka Alle. Wuxuu inoogu goodiyay sidan: ”Suga inta Allaah ka keenayo amarkiisa, Allaah ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah”.

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : (إِذَا تَبَايَعْتُمْ بِالْعِينَةِ ، وَأَخَذْتُمْ أَذْنَابَ الْبَقَرِ ، وَرَضِيتُمْ بِالزَّرْعِ ، وَتَرَكْتُمْ الْجِهَادَ ، سَلَّطَ اللَّهُ عَلَيْكُمْ ذُلًّا لَا يَنْزِعُهُ حَتَّى تَرْجِعُوا إِلَى دِينِكُمْ) .

Nabigeena wuxuu inoo sheegay, haddii aan ribada wax ku kala iibsano, xoolaha aan dhaqanno, oo aan tabcasahda ku raali noqono islamarkaana aan jihaadka ka tagno inuu Allaah inagu salladayo dulli kaasoo aan nalaga siineyn illaa aan diinta uga soo laabano. Haddaba dulliga maanta heystaahi ummada Soomaaliyeed wuxuu ka yimid markii aduunyada lagu raali noqday oo lagu qancay dastuur shisheeye qoreen, wax iska dhicintana laga tagay.

قال تعالى:أَرَضِيتُمْ بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا مِنَ الْآخِرَةِفَمَا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ

Qore: Warfaa Kheyr-doon.

FG: Maqaalkan wuxuu u gaar yahay qoraaga ee  loomana tiirin karo Shabakadda Somalimemo

Warfaa kheyrdoon kala xiriir
Email: [email protected]

Related Items