Dowladda Jabuuti Oo Ka Baxday Heshiis Ay Kula Jirtay Shirkadda DP World ee Dalka Imaaraatka laga leeyahay [Warbixin].

Saturday February 24, 2018 - 07:34:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jabuuti Oo Ka Baxday Heshiis Ay Kula Jirtay Shirkadda DP World ee Dalka Imaaraatka laga leeyahay [Warbixin].

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan heshiisyadii iyo qandaraasyadii lagula jiray shirkadda dekadaha dowladda isku tagga imaaraatka carabta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan DP World.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan heshiisyadii iyo qandaraasyadii lagula jiray shirkadda dekadaha dowladda isku tagga imaaraatka carabta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan DP World.


Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay heshiis Qandaraas ah oo ay kula jirtay DP World kaas oo lagu ballaarinayay dekadda Dooraaley, qoraal kasoo baxay Jabuuti ayaa lagu sheegay in shirkadda Imaaraatka ay diiday in laballaariyo marsada Dooraaleh islamarkaana xukuumadda lagusoo wareejiyo dhaqaalaha kasoo xaroodo dekadda.

Arrimaha layaabka leh ayaa ah in shirkadda DP World ay qaadanaysay inta badan dhaqaalaha dekadda kasoo xarooda halka dowladda Jabuuti ay siinaysay wax aan ka badneyn 35%, mas'uuliyiin katirsan dowladda Jabuuti ayaa Telefeshinka Aljazeera u sheegay in arrimaha lagu heshiin waayay ay kamid ahayeen shirkadda oo diiday in laballaariyo dhismaha dekadda gaar ahaan halka maraakiibtu kusoo xirtaan.


Sidoo kale shirkadda DP World ayaa dhaqaalaha dekadaha kasoo xarooda saami ka siineysay dowladda Itoobiya oo ah dowlad aan bad laheyn, khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo Imaaraatka Carabta ayaa sanadadii dambe sii xoogeysanayay kadib markii maamulka ismaaciil Cumar Gelle uu diiday in dowladda UAE uu siiyo saldhig melleteri oo laga ilaaliyo magaalada Caden ee dalka Yemen taas bedelkeedna imaaraatka ayaa bilaabay olole ka dhan ah Jabuuti sida iyagoo la wareegay dekado kuyaal magaalooyinka Berbera,Musawac iyo Boosaaso.

Warbixinnadu waxay intaas ku darayaan in mas'uuliyiin ka socotay shirkadda DP World ay booqdeen magaalada Addis Ababa ayna dowladda Itoobiya uballan qaadeen in qiima jaban ay alaabaha ganacsi ugasoo degsan karaan dekadda Berbera iyagoona ku dhiiri geliyay in ay Jabuuti kasoo guuraan,
"Jabuuti anaga ayaa bani'aadam ka dhignay laakin sidii hore ayaan dib ugu celin doonaa" ayuu yiri Suldaan Axmed Bin Suldaan oo ah madaxa fulinta DP World.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ee kajira magaalada Hargeysa uu qorshaynayo in uu ka laabto heshiiskii uu kula jiray shirkadda oo hadda gacanta ku haysa maamulka dekadda Berbera.

Shirkadaha imaaraatka ayaa dekadaha Jabuuti lawareegay sanadihii 2002 illaa 2006 xilligaas oo ay ka shaqeysiiyeen dhowr dekadood kuwaas oo badeecadaha ganacsi ee kasoo dega loosii gudbin jiray wadamo dhaca bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika, dowladda imaaraatka carabta ayaa lagu eedeeyay in boob dhaqaale ay kawaddo dalka soomaaliya islamarkaana damaceedu yahay mid aad ufog.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items