Dagaallo Ka Dhacay Afmadoow iyo Dooni Lagu Weeraray BUurgaabo.

Friday June 13, 2014 - 05:35:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Afmadoow iyo Dooni Lagu Weeraray BUurgaabo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii ka dhaceen degmada Afmadoow oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa gumeysiga Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii ka dhaceen degmada Afmadoow oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa gumeysiga Kenya Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo ciidanka Kenya ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Jugta madaafiicda iyo rarasaa xoogan oo laba dhinac isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay degmada Afmadoow,wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiic lagu garaacay saldhigga ciidanka gumeysiga Kenya ee garoonka diyaaradaha macmalka Afmadoow.


Weerar kale oo isna ka dhacay gudaha Badda ayaa sababay waxyeello soo gaartay doon ay wateen maleeshiyaadka Axmed Madoobe,ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar dhabagal ah u dhigeen doon dhanka Kismaayo katimid oo deegaanka Buurgaabo u wadday maandooriyaha khaatka iyo raashin.

Wariyaal ku sugan Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in doonta oo qiiceysa ay dhanka Jazeeradda Madhaw u baxsatay waa weerarkii ugu horreeyay ee kamiin ah oo ciidamada xarakada Al Shabaab ay gudda ka fuliyaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items