Akhri: Magacyada Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaan Hore Oo Lagu Dilay Weeraradii Madaxtooyada& Hoteel Doorbin.

Saturday February 24, 2018 - 15:37:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Magacyada Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaan Hore Oo Lagu Dilay Weeraradii Madaxtooyada& Hoteel Doorbin.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro mantaano ah oo xalay ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka ku leedahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro mantaano ah oo xalay ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka ku leedahay magaalada Muqdisho.



Dhimashada ayaa gaartay 45 qof sida ay sheegeen ilaha caafimaadka gobolka Banaadir, isbitaalka Madiina ayaa laga qaaday 29 Meyd halka isbitaallada kale laga daad gureeyay Tobaneeyo Meyd oo ah dad dhaawac ahaan u dhintay.

Khasaaraha ugu daran ayaa ka dhashay weerarkii lala beegsaday madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo lagu dilay saraakiil ciidan iyo shaqaalaha madaxtooyada.



Xildhibaanno hore, siyaasiyiin iyo saraakiil katirsan Nabad sugidda iyo melleteriga ayaa kamid ah dadkii ku dhintay weeraradii xalay oo mas'uuliyadooda ay sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Hoos Ka akhri Magacyada saraakiishii lagu dilay weeraradii Madaxtooyada iyo Nabad sugidda.

1-Axmad Xuseen waa Xildhibaan Hore waxaa lagu dilay weerarkii xalay

2-Abshir, Waa Korneel ka tirsan ciidamada Koofi-Gaduudda
3- Mahad Salaad Laba Xidigle melleteriga katirsan
4-C/Risaaq Cali Maxamed, Madaxa waaxda sharci dajinta ee wasaarada Cadaalada

5-Xuseen Cali, Laba Xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada
6-Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

7-Shariif waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada
8- Saddex ka tirsan ciidamada Alpha Group waa dhimasho.

9- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Jiijeey waxaa lagu dilay weerarkii xalay

10- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Maslax wuxuu katirsanaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo waxaa lagu dilay weerarkii xalay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan saraakiil badan oo ku dhintay hoteelka Doorbin kaasi oo ku dhow xarunta nabad sugidda isalmarkaana ah goob ay si KMG ah ugu shaqeeyaan saraakiisha howlgelinta sirdoonka dowladda Federaalka.

Gudaha xarunta madaxtooyada ayaa maanta barqadii laga daad gureeyay dhaawacyo xaaladoodu aad uliidato waxaana loo qaaday dhanka isbitaallo kuyaal xerada Xalane, illaa iyo hadda hoggaanka dowladda Federaalka kama hadlin weeraradii xalay  balse xarakada Al Shabaab oo ka hadashay ayaa sheegtay in ay gaartay ahdaaftii ay ka laheyd weerarada.

Halkan ka dhageyso Andalus oo Macluumaad dheeri ah ka tabinaysa weerarkii xalay MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items