Geeri Kedis Ah Oo Ku Timid Wariyihii Idaacadda VOA Ee Magaalada Muqdisho.

Saturday February 24, 2018 - 20:13:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeri Kedis Ah Oo Ku Timid Wariyihii Idaacadda VOA Ee Magaalada Muqdisho.

    Wariyihii VOA ee magaalada Muqdisho Axmad Xassan Colaad ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday isla Muqdisho kadib markii uu soo wajahay xanuun kadis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyihii VOA ee magaalada Muqdisho Axmad Xassan Colaad ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday isla Muqdisho kadib markii uu soo wajahay xanuun kadis ah.


Xalay ayaa u dambeysay oo uu ka hadlayay VOA, waxaana geeridiisa xaqiijiyay qaar kamid ah wariyaashii ay wada shaqeynayeen oo barahooda gaarka ah kusoo qoray.

Axmad Xassan Colaad ayaa muddo ka badan 7 sano ka shaqeynayay idaacadda codka Mareykanka, sdioo kale wuxuu muddo sanada ah lasoo shaqeeyay idaacaddii Hornafrik ee laga dhageysan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka. 

Wariyaha dhintay ayaa Maalintii Jimcaha daadihiyay Barnaamijka  Faaqidaadda Jimcaha oo looga hadlayay AMISOM iyo tobanka sanadood oo ay joogtay dalka Soomaaliya.



Idaacadda codka dowladda Mareykanka ayaa la furay markii uu bilowday duullaanka ay shisheeyuhu kusoo qaadeen magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items