Qaraxyo iyo Tacshiirado laga Maqlay Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho

Saturday February 24, 2018 - 22:15:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo iyo Tacshiirado laga Maqlay Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho

    Xoogag hubeysan ayaa caawa fiidkii weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin xaafado katirsan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa caawa fiidkii weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin xaafado katirsan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in la weeraray saldhigyo ciidan oo kuyaal halka loo yaqaan Biya degeen suuqa xoolaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Garneyllo lagu weeraray ciidamada kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ay ka dhasheen weerarada caawa dhacay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli xalay laba weerar oo khasaara baan dhaliyay ay ka dhaceen xarumaha madaxtooyada iyo Nabad sugidda oo ay ku suganyihiin madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items