Melleteriga Itoobiya Oo Xiray Hoggaamiyaal Katirsan Kooxaha Mucaaradka iyo iska Hor'imaadyo Ka Socday Gobolka Amxaarada.

Sunday February 25, 2018 - 10:40:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Itoobiya Oo Xiray Hoggaamiyaal Katirsan Kooxaha Mucaaradka iyo iska Hor'imaadyo Ka Socday Gobolka Amxaarada.

    Xiisada colaadeed ayaa markale dib uga qarxay inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobollada Oromia iyo Amxaaro oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay ka socdaan kacdoonnada dowladda Itoobiya ka dhanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa markale dib uga qarxay inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobollada Oromia iyo Amxaaro oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay ka socdaan kacdoonnada dowladda Itoobiya ka dhanka ah.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga iyo kuwa sirdoonka ay xabsiyada udhaadhiciyeen tobaneeyo kamid ah hoggaamiyaasha mucaaradka.

Afhayeen u hadlay kooxaha mucaaradka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laxiray siyaasiyiin ay kamid yihiin Dr. Merera Gudina iyo Bekele Gerba xilli ay ku sugnaayeen magaalada Gute.

Sidoo kale ciidamada melleteriga ayaa xoog ku galay magaalada Gonder ee galbeedka Itoobiya dhacda halkaas oo laga qabqabtay boqolaal kamid ah dadka mucaaradsan xukuumadda.


Mas'uul u hadlay jabhadaha hubeysan ee qowmiyadda Amxaarada ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay gobolka ka wadaan gabood fallo saa'id ah isagoo ugu baaqay dadka magaalada Gonder in ay hubka wada qaataan oo ay nidaamka ladagaallamaan.

Rasaas xooggan iyo madaafiic lays dhaafsanayo ayaa lagasoo sheegayaa duleedka magaalada Gonder oo sanadadii dambe ay isku aruursanayeen maleeshiyaad qaab jabhadeed u abaabulan kuwaas oo si aad ah ugasoo horjeedo dowladda Xabashida Itoobiya.

Dr. Merera Gudina oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa bishii Janaayo ee lasoo dhaafay lagasii daayay xabsi kuyaal magaalada Addis Ababa balse hadda ayaa markale dib loo xiray taas oo ka dhigan in haba yaraatee wax isbedel ah aan lagu sameyn siyaasadda wadanka.

Itoobiya waxaa lageliyay xaalad degdeg ah kadib markii uu iscasilay R/wasaarihii wadanka soo maamulayay illaa sanaddii 2012 xilligaas oo uu dhintay Males Zenaawi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items