Gaari Gaashaaman Oo Ciidanka Kenya looga Gubay Duleedka Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

Sunday February 25, 2018 - 11:23:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman Oo Ciidanka Kenya looga Gubay Duleedka Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

    Ciidamo Kenyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Kenyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo.

Khasaara xooggan ayaa ciidanka Melleteriga Kenya kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in kolonyo katirsan gaadiidka ciidanka Kenya qarax lagula beegsaday inta u dhaxaysa deegaanka Buusaar iyo Ceel-waaq.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Beebe ah oo ay wateen melleteriga Kenya, war rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka.


Taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin wuxuu xaqiijiyay in  Askar Kenyaan ah ay ku dhinteen qaraxa islamarkaana uu burburay gaarigii qaraxu beegsaday.
 

Wararku waxay sheegayaan in gaariga beebaha ah ee la beegsaday isagoo Burburay ay ciidamada Kenya ay u jiiteen dhanka Buusaar.

Dhaawacyo halis ah ayaa gaaray ciidamo Kenyaan ah waxaana laga yaabaa in askarta qaar ay u dhintaan dhaawacyada halista ah ee soo gaaray.

Dad xoola dhaqata ah oo Gedo ku sugan ayaa sheegay in jugta qarax weyn ay shalay duhurkii ka maqleen wadada xiriirisa degmada Ceel-Waaq iyo Buusaar xilli halkaasi ay ku socdaalayeen kolonyo gaad ah oo ciidanka Kenya ay wateen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items