'Golaha Ammaanka' Oo isku Raacay Xabad Joojin laga dhaqan Geliyo Suuriya Muddo 30 Maalmood ah.

Sunday February 25, 2018 - 12:26:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Golaha Ammaanka' Oo isku Raacay Xabad Joojin laga dhaqan Geliyo Suuriya Muddo 30 Maalmood ah.

    Kadib fadhi ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York ee wadanka Mareykanka ayay waxa loogu yeero Q.Midoobe waxay isku raaceen xabad joojin laga dhaqan geliyo wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib fadhi ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York ee wadanka Mareykanka ayay waxa loogu yeero Q.Midoobe waxay isku raaceen xabad joojin laga dhaqan geliyo wadanka Suuriya.

Xubnaha 'Golaha ammaanka' ayaa ku dhawaaqay in muddo 30 maalmood ah ay xabad joojin ka dhaqan geli doonto dhammaan gobollada wadanka Suuriya oo dagaallo culus ka socdaan.

War kasoo baxay Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in laysku raacay qodobo ay kamid yihiin xabad joojin iyo in gargaarka Bani'aadanimo lageeyay mandiqadda Ghuudada Bari oo isbuucii lasoo dhaafay lagu dilay dad ka badan 500 oo qof.

Diyaaradaha dagaalka Ruush-ka iyo ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad ayaa gummaad aan kala sooc laheyn ugeystay dad shacab ah, goob joogayaal ku sugan deegaannada dhaca duleedka Dimishiq ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Iiraan iyo ciidamada Nidaamka ay qaadeen weeraro xooggan oo ay doonayaan in ay dhul hor leh ku qabsadaan.


Xaalado adag ayaa boqolaal kun oo qoys ku heysata deegaanka Ghuudda waxayna dadku la'yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan waxaa intaas sii dheer dhaawacyada oo dawa la'aan udhimanaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items