Dhageyso: Andalus Oo Baahisay Wareysi lala Yeeshay Mid Kamida Raggii Fuliyay Weeraradii Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda.

Monday February 26, 2018 - 06:01:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Andalus Oo Baahisay Wareysi lala Yeeshay Mid Kamida Raggii Fuliyay Weeraradii Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda.

    Idaacadda islaamiga Andalus ayaa xalay baahisay barnaamij gaar ah oo ku saabsan weeraradii aadka u xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaadayo xarumo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo oo dowladda Federaalka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda islaamiga Andalus ayaa xalay baahisay barnaamij gaar ah oo ku saabsan weeraradii aadka u xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaadayo xarumo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo oo dowladda Federaalka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo Ku magac dheer Cadiyatullaah kanasoo jeedo beesha Mariixaan ee degto gobolka Gedo wuxuu ahaa Ninkii fuliyay weerarkii Naf-hurnimo ee ka dhacay Hoteelka Doorabin ee kaabiga ku haya xarunta Nabad sugidda DF-ka ee Habar Khadiijo loo yaqaan.

Wuxuu wareysigan uga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin sababta ku riixday in uu weerarka fuliyo isagoo farriimo dhaxalgal ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah iyo xataa madaxda dowladda Federaalka.


Weeraradii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa gallaaftay nolosha tobaneeyo kamid ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka waxayna ahaayeen weeraro Mantaanno ah oo lagu beegsaday madaxtooyada iyo isku imaatin ku dhawaa xarunta Nabad sugidda.

Halkan ka degso Wareysiga lala yeeshay Cabdullaahi Sheekh Aadan MP3

Related Items