Dhageyso: Wareysi laga Duubay Darawalkii Kaxaynayay Gaarigii loo adeegsaday Weerarkii Madaxtooyada.

Tuesday February 27, 2018 - 10:17:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Wareysi laga Duubay Darawalkii Kaxaynayay Gaarigii loo adeegsaday Weerarkii Madaxtooyada.

    Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa markale faafisay wareysi lala yeeshay mid kamida Raggii fuliyay weeraradii aadka u xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa markale faafisay wareysi lala yeeshay mid kamida Raggii fuliyay weeraradii aadka u xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay.


Maxamed C/Raxmaan Cabdullaahi oo gudaha Xarakada Al Shabaab looga yaqaqaan (Anas) wuxuu kamid ahaa raggii  Inqimaasiyiinta ahaa ee fuliyey howlgalkii ballaarnaa ee lagu qaaday magaalada Muqdisho kaas oo lagu dilay  in ka badan 45 sarkaal oo katirsan dowladda Federaalka  oo ay ku jiraan saraakiil sarsare.

Anas wuxuu ahaa mid ka mid ah darawaladii ka xeynayey gaadiidkii ay la socdeen Inqimaasiyiinta, Wuxuuna ku guuleystay in ciidamada Infintariga ah ku daadiyo halkii loogu talagalay ka dibna isagoo garwaaxsan hubkiisa uu dhexda ka istaago dagaalkii ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.


Maxamed C/Raxmaan Cabdullaahi wuxuu kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Wareysi laga qaaday ka hor intii uusan weerarka fulin MP3

Related Items