Weeraro Bambaanooyin Ah oo Ka Muqdisho Ka Dhacay iyo DF-ka oo Digniin Ammaan Soo Saartay.

Wednesday February 28, 2018 - 11:20:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Bambaanooyin Ah oo Ka Muqdisho Ka Dhacay iyo DF-ka oo Digniin Ammaan Soo Saartay.

    Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa faafiyay digniino hor leh oo ku aaddan weeraro ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa faafiyay digniino hor leh oo ku aaddan weeraro ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


inkastoo digniintan aan la ogeyn waxa xilligan kusoo beegay ayay hadane dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab waxay wali degmooyinka gobolka Banaadir kasii wadaan weeraro ka dhan ah xarumaha dowladda Federaalka.

Qaraxyo xiriir ah ayaa lagu qaaday farriisimo iyo saldhig ay  ciidamada dowladda Federaalka  ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho,iyadoona faah faahin laga helayo qaraxyadan.

Qaraxa Kowaad waxaa lagu weeraray saldhiga degmada Wardhiigley oo fariisin weyn u ah maleeshiyaadka dowaldda,qaraxan waxaa loo adeegsaday Bamka noocyada gacanta laga tuura.


Bamka ayaa ku qaraxday gudaha saldhiga waxeyna wararku sheegayaan  in uu jiro khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo ciidanka la weeraray kasoo gaartay qaraxyadaasi.

Qaraxa Labaad waxaa lagu weeraray Fariisin maleeshiyaadka dowladda  Federaalka ay ka sameysteen xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid,iyadoona Bamkan uu ku qarxay bartamaha maleeshiyaadkii goobtaasi ku sugnaa.

Qaraxa Seddaxaad waxaa lagu weeraray fariisin maleeshiyaadka dowladda  ay ka sameysteen degmada Hodon  ee bartamaha magaalada Muqdisho,
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska  Kuwaasi oo dhaawacyadooda culus yihiin,qaraxyadaan waxay imaanayaa xilli digniin cusub ay kasoo baxday sirdoonka dowladda Federaalka oo ay ku sheegeen in weeraro lala maaganyahay hoteello kuyaal wadada Makka Al Mukarrama.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items