Siyaasi Yahuudi Ah Oo Kamid Noqday Ururka Al-Nahda Ee Wadanka Tuunis!.

Wednesday February 28, 2018 - 11:39:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Yahuudi Ah Oo Kamid Noqday Ururka Al-Nahda Ee Wadanka Tuunis!.

    Markii ugu horraysay Nin Yahuudi ah ayaa kamid noqday xubnaha Ururka Al-nahda oo mar kamid ahaa Ururada islaamiga ee caanka ah ah wadanka Tuunis .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay Nin Yahuudi ah ayaa kamid noqday xubnaha Ururka Al-nahda oo mar kamid ahaa Ururada islaamiga ee caanka ah ah wadanka Tuunis .

Seymoon Salaama oo ah Nin Yahuudi ah ayaa ku dhawaaqay in uu kamid yahay Xubnaha Ururka uuna ku meteli doono doorashooyinka dowladaha hoose ee Bisha May,2018 ka dhici doono wadanka Tuunis.

isagoo wareysi siinayay ayuu sheegay in Hoggaanka sare ee Xarakada Al-Nahda ay siiyeen warqadaha aqoonsiga ee uu uga mid noqonayo xarakada islamarkaana uu yahay musharax utaagan golaha deegaanka.

"Kadib markii Xisbiga Al-nahda uu ka tanaasulay faafinta dacwada iyo xagjirnimada ee uu noqday Ururka Calmaani ah ayaan go'aansaday in aan ku biiro oo hadda waxaan kamid ah liiska xubnaha utartamaya dowladda hoose" ayuu yiri Seymoon Salaama oo ah Yahuudi.


Cali Alcariid oo horay usoo noqday R/wasaaraha Tuunis kana mid ah Mas'uuliyiinta xarakada Al-Nahda ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay in siyaasi Yahuudi ah Ururkooda kamid noqdo.

Ururka Al Nahda oo kamid ahaa Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Tuunis ka dhacay sanaddii 2011 xilligaas oo kacdoon lagu riday Zeynul Caabidiin Bin Cali balse wuxuu isku bedelay Urur Calmaani ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items