Al Shabaab: 22 Askari ayaa Ciidanka Kenya looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Faxfaxdhuun Ee Gobolka Gedo.

Wednesday February 28, 2018 - 11:50:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab: 22 Askari ayaa Ciidanka Kenya looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Faxfaxdhuun Ee Gobolka Gedo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerar Ciidan Kenyaan ah lagu laayay oo Jubbada hoose ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 20 askari lagu dilay weerar dhabbagal ahaa oo kolonyo katirsan ciidamada Kenya shalay lagula eegtay duleedka deegaanka Faxfaxdhuun.

"Dagaalkii shalay Gedo ka dhacay waxaa lagu gubay seddax baabuur,laba Taaw ah iyo mid Mutabiish ah waxaana lagu dilay 22 Askari Kenyaan ah hub farabadan waa lagu qaniimeystay" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay kusoo degeen goobta dagaalka halkaas oo ay ka daad gureeyeen Meydad iyo dhaawacyo .


Weerarka ayaa shalay gelinkii hore qabsaday ciidamo Kenyaan ah oo saad kasoo gelbiyay gudaha wadankooda waxayna kusii jeedeen dhanka tuulada Faxfaxdhuun oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya oo ku aaddan khasaaraha lixaadka leh ee Al Shabaab ku gaarsiisay dagaalkii ka dhacay inta u dhaxaysa Faxfaxdhuun iyo Girileey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items