Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan Oo La weeraray iyo Sarkaal lagu Dilay Degmada Huriwaa.

Thursday March 01, 2018 - 10:19:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan Oo La weeraray iyo Sarkaal lagu Dilay Degmada Huriwaa.

    Xoogag hubeysan ayaa markale weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo ka geystay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa markale weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo ka geystay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta Barqadii rag hubeysan ay xaafadda Ex.Control Balcad  ee degmada Huriwaa ku dileen sarkaal katirsanaa sirdoonka dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag bastoolado wata ay dileen Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cumar Geelle oo katirsanaa sirdoonka Dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta dhar cadka loo yaqaan.

Dhinaca kale qaraxyo xooggan ayaa xalay fiidkii laga maqlay degmada Kaaraan ee maagalada Muqdisho, qaraxyada ayaa ka dhashay Bambaanooyin lagu weeraray saldhigga Booliska degmada.


Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada kadib ay rasaas fureen ciidamo katirsan Booliska dowladda Federaalka oo ilaalo ka hayay saldhigga.

Waa Habeenkii 2-aad oo si xiriir ah ay weeraro uga dhacayaan degmooyin katirsan gobolka Banaadir, waxayna weeraradan imaanayaan xilli Xasan Cali Kheyre uu maalmo ka hor sheegay in ay adkeynayaan ammaanka magaalada caasimadda ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items