Madaxii isgaarsiinta Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo iscasilaad Ku Dhawaaqday.

Thursday March 01, 2018 - 10:45:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii isgaarsiinta Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo iscasilaad Ku Dhawaaqday.

    Mid kamida mas'uuliyiinta ugu sarraysa xafiiska Trump ayaa ku dhawaaqday in ay iscasishay xilkii ay ka heysay aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald Trump ayaa qulqulatooyin siyaasadeed wajahaya
Mid kamida mas'uuliyiinta ugu sarraysa xafiiska Trump ayaa ku dhawaaqday in ay iscasishay xilkii ay ka heysay aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

Hop Hicks oo aheyd madaxii isgaarsiinta Aqalka Cad ayaa shaqada isaga tagtay kadib 29 sanadood oo ay la shaqeynaysa shirkadaha ganacsiga Trump intii uusan madaxweynaha noqon.

Afhayeenad u hadashay Aqalka cad ayaa xaqiijisay iscasilaadda Hop Hicks waxayna sheegtay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan duruufaha sababay in ay shaqada isaga tagto.

Warbaahinta Mareykanka ayaa faafisay in haweenayda iscasishay ay ku jirto liiska shakhsiyaad ku dhow Trump oo lafilayo in uu soo bandhigo guddiga baaritaanka ku haya ku lug lahaashiyaha sirdoonka Ruushka Doorashooyinkii Mareykanka ka dhacay sanaddii 2016.


Donald Trump ayaa Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Hop Hicks ay aheyd qof shaqa wanaagsan u qabatay xafiiskiisa.

Waa Mas'uulkii Afaraad ee iska casila xilka madaxa isgaarsiinta aqalka cad, tan iyo markii Trump uu jagada qabtay  horay waxaa shaqada isaga tagay tobaneeyo mas'uul taas oo qeyb ka ah qulqulatooyinka dhanka maamul ee Mareykanka kajira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items