Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka oo Hanjabaad Ujeediyay Darawallada Moota Bajaajka Muqdisho Ka Shaqeysa.

Thursday March 01, 2018 - 11:22:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka oo Hanjabaad Ujeediyay Darawallada Moota Bajaajka Muqdisho Ka Shaqeysa.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale dad shacab ah ku dilay wadada Mashquulka badan ee Makka Al Mukarrama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale dad shacab ah ku dilay wadada Mashquulka badan ee Makka Al Mukarrama.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askari hubeysan uu si bareer ah udilay darawalka Moota Bajaaj bartamaha laamiga Makka Al Mukarrama.

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta loo yaqaan ayaa iskusoo bax cabasha ah ka dhigay Muqdisho balse dowladda Federaalka ayaa si cad ugu sheegtay in Bajaajtu ay qeyb ka tahay caqabadaha kajira magaalada ee dhanka ammaanka.


Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlayay darawallada Bajaajta ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyinka ka dhan ah gaadiidka Bajaajta arrinkaas oo banaanka soo dhigayay in DF-ka wax ka ogtahay dhibaatada loo geysanayo dadka ku shaqeysta Bajaajta.


Isbuucan gudihiisa illaa iyo laba darawal ayaa lagu dilay waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al Mukarrama, maalmo ka hor ayay aheyd markii askari hubeysan uu isgoyska Tarabuunka ku dilay darawal kaxaynayay Bajaaj.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items