Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Kolonyo Katirsan Ciidamada AMISOM Oo Ku Socdaalayay Duleedka Magaalada Jowhar.

Friday March 02, 2018 - 12:21:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Kolonyo Katirsan Ciidamada AMISOM Oo Ku Socdaalayay Duleedka Magaalada Jowhar.

    Waxaa goordhow soo gaba gaboobay dagaal culus oo maanta barqadii ka bilaawday wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow soo gaba gaboobay dagaal culus oo maanta barqadii ka bilaawday wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka Jowhar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM oo kusii jeeday dhanka Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ay cagta mariyeen kolonyadii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, dadka deegaanka ayaa sheegay in kolonyo ka kooban 16 Baabuur cagta lamariyay waxaana ka badbaaday ugu yaraan sedax baabuur oo qura sida warar hordhac ah sheegayaan.


Boqolaal katirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la wareegay wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad waxaana usuurta gashay in ay gacanta ku dhigaan gaadiid gaashaaman iyo saanado hub ah sida ay sheegayaan warar laysla dhax marayo.

Meydadka Tobaneeyo katirsan ciidamada AMISOM ayaa daadsan goobta dagaalka, Goob jooge ku sugan Sh/dhexe ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayo.

Waa Khasaarihii ugu xooganaa oo ciidamada AMISOM kasoo gaara Koonfurta Soomaaliya tan iyo weerarkii ka dhacay deegaanka Golweyn sanaddii 2017 xilligaas oo ladilay ugu yaraan 41 askari.

Weerarkan ka dhacay Sh/dhexe ayaa umuuqaal eg weeraro gaba gabeyn ah oo Al Shabaab ay horay uga fulisay deegaannada Leego,Janaale,Ceelcadde iyo Kulbiyoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items