Ciidamada Kenya Oo Burburiyay Xaruntii Shirkadda Hormuud Ee Deegaanka Dhamase Gobolka Gedo.

Saturday March 03, 2018 - 10:23:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya Oo Burburiyay Xaruntii Shirkadda Hormuud Ee Deegaanka Dhamase Gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

Col. Aadan Xirsi Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka  ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay miinooyin ku xireen xaruntan, isla markaana ay gebi ahaanba dhulka la simeen.

"Waxaa Burburay Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle.



Col. Rufle ayaa sheegay inay go’doonsan yihiin kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo, kuwaasoo Noloshooda ay ku tiirsaneyd Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom.

Dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Kenya u burburiyeen dhowr xarumood oo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay deegaano ka mid ah gobolka Gedo, sidadeegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, horay ayay sidaan oo kale ciidamada shisheeyaha Kenya uburburiyeen dhowr xarun oo shirkadda Hormuud ku laheyd deegaanno hoos yimaad magaalada Ceelwaaq.

Related Items