Dowladda Burundi Oo Xaqiijisay in Askar Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad.

Saturday March 03, 2018 - 10:38:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi Oo Xaqiijisay in Askar Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad.

    dowladda Burundi ayaa sheegtay in ciidamadooda khasaara xooggan uu kasoo gaaray weerar shalay ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dowladda Burundi ayaa sheegtay in ciidamadooda khasaara xooggan uu kasoo gaaray weerar shalay ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo katirsan ciidamadooda lagu weeraray waqooyiga magaalada Muqdisho wuxuuna qiray in askar iyo saraakiil looga dilay.

Dowladda Burundi waxay sheegtay in askari looga dilay weerarkii dhabbagalka ahaa ee cagta lagu mariyay kolonyo saad ciidan sidday oo ku socdaalayay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad.

Burundi Gaston Sindimwo madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dhimashada ciidamada laga dilay ay gaartay tobanaan.


Dad ku sugan gobolka Sh/dhexe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xoogaga Al Shabaab ay cagta mariyeen kolonyo gaadiid ah iyo ciidamadii la socday, sawirro lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay gaadiid gaashaaman iyo gawaari xamuul ah oo ku gubanaya wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items