Sawirro: 55 Qof Oo Ku Dhintay Qaaradda Yurub Kadib Duufaanno Baraf Wata Oo Ku Dhuftay.

Sunday March 04, 2018 - 09:58:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 55 Qof Oo Ku Dhintay Qaaradda Yurub Kadib Duufaanno Baraf Wata Oo Ku Dhuftay.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay duufaanno baraf wata oo ku dhuftay qaar kamid ah wadamada qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay duufaanno baraf wata oo ku dhuftay qaar kamid ah wadamada qaaradda Yurub.

Ugu yaraan 55 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanno qaboow iyo baraf wata oo cagta mariyay magaalooyin katirsan wadamada UK,Polland iyo Airland.

Dhibaatada ugu daran waxay ka jirtaa wadanka Ingiriiska halkaas oo ay shaqada gabeen mu'asasaadka xukuumadda iyo adeegyada bulshada.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in la joojiyay shaqada qaar kamid ah gaadiidka tareennada sidoo kale garoomada diyaaradaha ayaa si feejignaan ah ku shaqeynaya.


Wadanka Polland waxaa la sheegay in dad farabadan ay ku dhinteen Baraf buuro ah oo dhowr magaalo ku dul habsaday.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in ay u yeertay ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan ugurmashada dadka ku dhibaatoobay qaboowga daran ee wadanka ku dhuftay.

War kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu yiri "waxaa loo yeeray ciidamo dheeri ah si ay uga qeyb qaataan muwaajahada waxshiga ka imaanaya Bariga.






Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items