Senator Mareykan ah " Dhul ma heysan karno laakin wax waan qalqalin karnaa"

Sunday March 04, 2018 - 11:36:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Mareykan ah " Dhul ma heysan karno laakin wax waan qalqalin karnaa"

    Senator Mareykan ah oo dhawaan socdaal aan la shaacin ku yimid dalka Soomaaliya isla markaana la kulmay madaxda DF-ka iyo saraakiisha reer galbeedka ayaa runta ka sheegay xaaladda dagaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Mareykan ah oo dhawaan socdaal aan la shaacin ku yimid dalka Soomaaliya isla markaana la kulmay madaxda DF-ka iyo saraakiisha reer galbeedka ayaa runta ka sheegay xaaladda dagaalka Soomaaliya.


Senator Jack Reed oo ka mid ah xubnaha Guddiga Milatariga ee Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa wareysi uu bixiyay socdaalkiisa Soomaaliya ka dib wuxuu kaga hadlay xaaladaha adag ee DF-ka iyo taageerayaasheeda caalamiga ah ay ku wajahayaan gudaha Soomaaliya isagoona caddeeyay sababta looga guuleysan la'ayahay Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.

Isagoo la hadlayay shabakadda Defence One ayuu Reed qirtay dhammaan iyagoo isu tagay Ciidamada Soomaalida, kuwa Afrikaanka iyo kuwa Mareykanka ay awoodi waayeen iney heystaan dhulka ay ka qabsadaan Xarakada AlShabaab.


Mar arrintaas wax laga weydiiyay ayuu u sababeeyay in iyagu howshoodu tahay xoojin isla markaana ay tahay ciidamada kale iney dhulka qabsadaan oo ay joogaan, balse waa arrin laga quustay ayuu yiri.

"Hadafkeenu waa ka hortag, ka eryid iyo ka qabsasho, dhabtii ka qabsashadu nooma sahlana" ayuu yiri Senator Reed oo si niyad beel ah uga warcelinayay xaalidihii uu ku soo arkay dalka Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso 500 askari ayuu sheegay howl weyn in ay ka hayaan dhanka taageerada DF-ka, balse wuxuu qiray in inkastoo ay aad u kordheen weerarrada cirka hadane in taas aysan joojin howlgallada Al-Shabaab.

DF-ka ayuu ka soo qaaday maamul fadhiid ah oo la dhihi karo kaliya Muqdisho ayuu si buuxda u maamulaa, balse wixii ka baxsan caasimadda, dadka badankood waxey ku qanacsan yihiin in Al-Shabaab ay ka helayaan maamul wanaag iyo caddaalad.

Mar uu soo hadal qaaday Ciidamada AMISOM iyo dib u dhacyada heysta ayuu xusay dhibaatada ugu weyn ee heysata iney tahay qarracankii uu ku reebay howlgalladii loogu daatay xeryahooda ee dhiigga badan uu ku daatay, wuxuuna yiri " Niman meel kale u socdo ma ahan, waxey u muuqataa in xeryahooda aysan dhaafeyn, A-Shabaab dhankoodana way sii xoogeysanayaan".

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items