Alqaacidda oo sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay Burkina Faso.

Sunday March 04, 2018 - 19:24:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Alqaacidda oo sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay Burkina Faso.

    Koox Jihaadi ah oo taabacsan Ururweynaha Alqaacidda ayaa sheegatay masuuliyadda weerar xooggan oo dhawaan lagu qaaday safaaradda Faransiiska iyo Xarun ciidan oo ku taalla dalka Afrika ee Burkina Faso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox Jihaadi ah oo taabacsan Ururweynaha Alqaacidda ayaa sheegatay masuuliyadda weerar xooggan oo dhawaan lagu qaaday safaaradda Faransiiska iyo Xarun ciidan oo ku taalla dalka Afrika ee Burkina Faso.

Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa bayaan ay soo dhigtay barteeda Telegram-ka waxey ku sheegtay in 7 Inqimaasi oo ka tirsan dagaaliyahannadeeda ay weerareen Xarunta Safaaradda Faransiiska iyo Xero Milatari oo labaduba ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou.

Weerarradan oo dhacay maalinkii Jumcaha ayay sheegtay Jamaacadu iney jawaab celin u ahaayeen duqeymo ay diyaaradaha Faransiisku dhawaan ku dileen xubno ka tirsan Mujaahidiinta JNIWM.


"Tani waa dhambaalka tacziyada ee Shuhaddadeenii duqeymaha Faransiiska" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Mujaahidiinta.

Warbaahinnada reer galbeedka ayaa sheegay in weerraradaas ay ahaayeen kuwo aad isugu duba-ridnaa isla markaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items