Sawirro: Dhimashada Xasuuqa Ghuudda oo 700 Oo Qof Gaaray Xilli Bishaar Al-asad uu Hanjabaad jeediyay.

Monday March 05, 2018 - 11:05:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dhimashada Xasuuqa Ghuudda oo 700 Oo Qof Gaaray Xilli Bishaar Al-asad uu Hanjabaad jeediyay.

    Deegaannada dhanka Bari uga beegan magaalada Dimishiq ee caasimadda wadanka Suuriya wali waxaa kasii socda xasuuqa bahalnimada leh ee ka dhanka ah dadka muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaannada dhanka Bari uga beegan magaalada Dimishiq ee caasimadda wadanka Suuriya wali waxaa kasii socda xasuuqa bahalnimada leh ee ka dhanka ah dadka muslimiinta sunniga ah.
Kumanaan katirsan maleeshiyaadka shiicada iiraan iyo ciidamada nidaamka Bishaar al-asad oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ruushka ayaa wali xasuuqa kasii wada magaalada ghuudada bari halkaas oo boqolaal kun shacab ah ku go'doonsanyihiin.

wararka ka imaanaya guudada bari waxay sheegayaan in gummaadku uu yahay mid aan kala joogsi laheyn inkastoo dhinacyada cadawga ah ku dhawaaqeen xabad joonino aan dhaqan geliyay.

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn MSF waxay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in intii udhaxaysay 18.Feberwery illa 27 Ferber ladilay 700 oo qof islamarkaana ladhaawacay 4050 qof kuwaas oo xaaladooda caafimaad aysan wanaagsaneyn.


Tani waxay ka dhigantahay in maalin walba ladilayay 70 qof oo shacab ah, dhinacaya Bishaar Al-asad oo ah hoggaamiyaha Suuriya ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadayaan dagaalka Ghuudda inta ay ka saarayaan wax uu ugu yeeray Argagaxiso oo uu ula jeedo xoogaga sunniga ah.







Related Items