Madaxweynaha Uganda Oo Eryay Wasiirkii Amniga Gudaha iyo Taliyihii Ciidanka Booliska.

Tuesday March 06, 2018 - 10:15:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda Oo Eryay Wasiirkii Amniga Gudaha iyo Taliyihii Ciidanka Booliska.

    Hoggaamiyaha kaligii taliyaha wadanka Uganda ayaa shaqada ka eryay mas'uuliyiin sare oo muddo sanada ah shaqooyin kala duwan ka hayay dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha kaligii taliyaha wadanka Uganda ayaa shaqada ka eryay mas'uuliyiin sare oo muddo sanada ah shaqooyin kala duwan ka hayay dowladda.



War qoraal ah oo kasoo baxay Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda ayaa lagu sheegay in shaqadii ay hayeen laga eryay wasiirkii amniga gudaha iyo taliyihii Booliska.

Museveni ayaa eryay Kale Kayihura oo ahaa taliyaha guud ee booliska iyo Kayihura wasiirka amniga gudaha, arrintan ayaa loo sababeeyay khilaaf dhanka siyaasadda ah oo ka dhaxjira xisbiga talada haya.

Siyaasi katirsan mucaaradka dibad joogga ah ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qeyb ka ah is reeb reebka dhanka siyaasadda ee ka dhax jira taliska Museveni.



Wadanka Uganda wuxuu kamid yahay wadamada Bariga Afrika oo ay talada iska heystaan tobanaan sano hoggaamiyaasha inqilaabka meleteri talada kula wareegay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items