Agaasimaha Shirkadda DP World Oo Dowlad Madax Banaan u aqoonsaday Maamulka 'Somaliland'.

Tuesday March 06, 2018 - 10:26:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Shirkadda DP World Oo Dowlad Madax Banaan u aqoonsaday Maamulka 'Somaliland'.

    Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo imaaraatka carabta kaas oo ku aaddan maamulidda Dekado kuyaal Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo imaaraatka carabta kaas oo ku aaddan maamulidda Dekado kuyaal Jabuuti.

Dowladda Imaaraatka carabta ayaa xaqiijisay in uu jiro cadaadis uga imaanaya Jabuuti iyo Muqdisho kaasi oo ka dhan ah Shirkadda DP World ee maamusha laba dekadood caalami ah oo gudaha Soomaaliya kuyaal.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

Wuxuu sheegay in aysan aqoonsaenyn wax ladhaho hadalka dowladda Federaalka islamarkaana maamulka isku magacaabay Somaliland ay u aqoonsanyihiin dowlad madax banaan.



"Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirtoā€¯ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay Telefeshinka Dubai.

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee 'Somaliland' iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Imaaraatka Carabta waxay sheegtay in shirkadda DP World ay si madax banaan ula shaqeyneyso maamulka kajira magaalada Hargeysa,'"waxa kasoo baxaya dowladda dhexe waa uun hadal aan waxba tareyn si caadi ah ayaana usii wadanaynaa howlaheenna"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Suldaan Axmed.

Shirkadda DP World ayaa khamiistii la soo dhaafay heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekeda Berbera ku kala saxiixday magaalada Dubai, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Itoobiya ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.

Dhinaca kale dowladda Imaaraatka waxay sheegaysaa in Maxkamad kutaal magaalada London ay ugudbisay kiiska khilaafka kala dhaxeeya dowladda Jabuuti ayna filayaan in dekadda Dooraale iyaga loo xukumo, madaxa DP World ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti si xoog ah ay kula wareegtay dekadda.

Dowladaha Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa la wareegay ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya waxayna dowladahan gacanta ku hayaan sedax dekadood iyo garooma diyaaradood oo caalami ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items