39 Askar Russian ah oo ku dhintay diyaarad kula dhacday dalka Suuriya.

Tuesday March 06, 2018 - 21:20:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    39 Askar Russian ah oo ku dhintay diyaarad kula dhacday dalka Suuriya.

    Diyaarad Milatari oo Russian ah ayaa ku soo dhacday saldhigga Ximeymim ee woqooyi galbeed dalka Suuriya halkaas oo ay ku dhinteen 39 askari oo diyaaradda saarnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Milatari oo Russian ah ayaa ku soo dhacday saldhigga Ximeymim ee woqooyi galbeed dalka Suuriya halkaas oo ay ku dhinteen 39 askari oo diyaaradda saarnaa.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa xaqiijisay dhacdadan waxaana ay shaacisay burburka diyaaradda inuu yimid xilli ay dayuuraddu ku dageysay gigada diyaaradaha Ximeymiim oo ah saldhigga ugu weyn ee Ruushku ku leeyahay Suuriya.

Diyaaradda burburtay oo nuuceedu ahaa Antonov An-26 ayaa si weyn dhaq dhaqaaqyo Milatari uga sameyn jirtay saldhiggaas oo ay ka duulaan diyaaradaha Ruushka ee duqeymaha arxandarrada ah ka geysta dalka Suuriya.


Wasaaradda Difaaca Ruushka waxey beenisay in diyaaradda soo dhacday ay suuragal tahay in la toogtay, waxaana ay intaasi ku dartay wax la xiriira fal cadowtooyo in aysan soo ridin diyaaradda.

Dad badan oo ka mid ah Muslimiinta Suuriya ayaa ALLAH ka baryaya in uu soo rido diyaaradaha Ruushka ee maalmahaan howlgallada duqeymaha ka waday deegaanka Ghuudda ee go'doonka ku jira.




Related Items