Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Jabuuti lagula Beegsaday Gobolka Hiiraan.

Wednesday March 07, 2018 - 10:14:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Jabuuti lagula Beegsaday Gobolka Hiiraan.

    Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qarax xooggan oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qarax xooggan oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM ee xoogga ku jooga qeybo katirsan gobolkaasi.

Qarax maanta barqadii ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde ayaa sababay dhimashada Askari Jabuutiyaan ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo lala eegtay goob ay garoonka diyaaradaha uga sugnaayeen ciidamada Jabuuti,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar katirsan ciidamada maamulka HirShabelle ee magaaladaasi ka arrimiya.


Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay Buula Burde lagu dilay ciidamo Jabuutiyaan ah, balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Jabuuti oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxyada lala helay.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items