AMISOM Oo Ka Walaacsan Kororka Weerarada Al Shabaab, Kana Hadashay Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Jidgalka ahaa ee Duleedka Balcad.

Wednesday March 07, 2018 - 10:36:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Ka Walaacsan Kororka Weerarada Al Shabaab, Kana Hadashay Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Jidgalka ahaa ee Duleedka Balcad.

    Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa xaqiijiyay in tobaneeyo askari looga dilay weerar dhabbagal ah oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidamada Kenya
Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa xaqiijiyay in tobaneeyo askari looga dilay weerar dhabbagal ah oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe.



Afhayeenka ciidamada Shisheeye ee AMISOM ninka lagu magacaaboLieutenant Colonel Wilson Rono oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay soo qaadana weeraro waaweyn oo lamid ah kii dhawaan ciidamada Burundi ku qabsaday duleedka degmada Balcad, kaas oo lagu dilay 23 askari oo kamid ah ciidamadaas, loogana qabsaday 17 gaari oo noocyada dagaalka ah.

Rono Afhayeenka Ciidamada Shisheeyaha ayaa sheegay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay adeegsadaan dagaalka jabhadeynta oo ah dagaal adag, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay qorshe ay ku doonayaan iney isugu furaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, oo deegaannada u dhexeeya inta badan ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.



Rono wuxuu dhanka kale shaaciyay tirada ciidamada Burundi looga dilay kamiinkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Balcad,isagoona aad uga been sheegay, waxaana xitaa uu khilaafay tirada dowladda Burundi ay qirtay in looga dilay dagaalkaas.

Afhayeenka AMISOM Col. Wilson Rono ayaa  xaqiijiyay in ugu yaraan 10 askari looga dilay weerarkii dhabbagal ahaa isagoo muujiyay walaac ku aaddan in alshabaab sare uqaaddo weerarada ay cagta ku marinayso kolonyada AMISOM marka ay sahayda isku gudbinayaan.

Dowladda Burundi ayaa maalin kadib weerarka ay la kulmeen ciidamadeeda waxay shaacisay in laga dilay 5 askari, Afhayeenka Amisom-na 2 ayuu dhimay, balse Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo runta looga bartay ayaa shaacisay in dagaalkaas ay ku dishey 23 askari oo Burundi ah.


Xarakada Al Shabaab ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay duullaan caalami ah oo dowlado shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya, tan iyo sanadidi 2011 markii Shabaabku isaga baxeen magaalada caasimadda ah ayay galeen dagaal jabhadeyn ah kaasi oo sababay in dhiig bax joogta ah uu usoo galo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items