Shirkad laga Leeyahay Wadanka Singapore Oo Lagu Wareejiyay Maamulka Dekadda Dooraale Ee Dalka Jabuuti.

Thursday March 08, 2018 - 11:32:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad laga Leeyahay Wadanka Singapore Oo Lagu Wareejiyay Maamulka Dekadda Dooraale Ee Dalka Jabuuti.

    Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis cusub lagashay shirkad shisheeye oo qaabilsan ka shaqeysiinta dekadaha caalamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis cusub lagashay shirkad shisheeye oo qaabilsan ka shaqeysiinta dekadaha caalamiga ah.

Wasiirka Dekadaha Jabuuti ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dalka laga Eryay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka isku tagga Imaaraatka Carabta taas oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku heysay dekadaha waaweyn ee wadanka Jabuuti oo ah kuwa uga dhaq dhaqaaqa badan qaaradda Afrika.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa tallabada ay Jabuuti qaadatay si aad ah ugasoo horjeesatay sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Anwar Qarqaash oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta wuxuuna dowladda Jabuuti ku tilmaamay mid laashay wax uu ugu yeeray 'Qaanuunka caalamiga ah.


 Jabuuti waxay xaqiijisay in  heshiis dhanka maamulka Dekadda Dooraale ay la gaartay sharikadda horumarisa Dekadaha oo laga leeyahay Dalka Singapore oo kamid ah wadamadada dhaca qaaradda Asia laguna tiriyo waddan horumar dhaqaale gaaray.

Sharikaddan oo lagu magacaabo PIL,ayaa maamulka  Jabuuti kula heshiisay kordhinta maareynta Badeecadaha saran konteenarrada iyo sare u qaadidda dakhliga Dekadda kasoo xarooda bil walba

Ismaaciil Cumar Gelle oo ah hoggaamiyaha Jabuuti ayaa qalinka ku duugay heshiiskan cusub ee shirkadda PIL ugu ogolaanaya maamulidda dekadda Dooraale oo qeybta maamulka Konteenarrada Terminalka la ballaarinayo si loogu kordhiyo masaafo qaadi karta Kunteenarro dheeraad ah.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda Dekadaha dowladda Dabadhilifka Jabuuti ayay ku sheegtay in dekadda Dooraale sanad walba laga dajiyo  1.6 Milyan oo Kunteenar waxayna shirkadda laga leeyahay dalka Singapore ay ballan qaadday in ay ballaarin doonto masaaxada dekadda 

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dowladda Imaaraatka Carabta ay dowladda Itoobiya saami dhan 19% kasiisay dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda magaalada Berbera tallaabadaas oo loo fasirtay qorshe imaaraatku uu ku doonayo in Itoobiya uu uga dhaadhiciyo in ay kasoo wareegto Jabuuti oo ay badeecadaheeda kalasoo degto dhanka dekadda Berbera.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items