Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo isku Dhiibay Wilaayada islaamiga Gedo.

Thursday March 08, 2018 - 12:06:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo isku Dhiibay Wilaayada islaamiga Gedo.

    Tobaneeyo kamid ah maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa si halhaleel ah isaga dhiibaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo kamid ah maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa si halhaleel ah isaga dhiibaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadkan oo Towbad keenayaal ah ayaa isku dhiibaya maamullada islaamiga ah ee taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, tani waa dib udhac weyn iyo guul darro soo wajahday maamulka isku magacaabay Jubbaland ee dabadhilifka u ah Itoobiya iyo Kenya.

Magaalada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa lagusoo bandhiga 6 askari oo kasoo goostay magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,askarta oo wata hubkii ay ku dagaallamayeen ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhibsadeen la shaqeynta ciidamada Xabashida Itoobiya.


Maamullada islaamiga ah ee ay isku dhiibeen ayaa si wanaagsan usoo dhoweeyay waxaana loo lacageeyay hubkii ay safka cadawga kalasoo baxsadeen.

Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe iyana waxaa lagusoo bandhigay ciidamo kasoo goostay magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buula Guduud, Al Shabaab ayaa dhowr dirtay baaqyo ku socda Maleeshiyaadka soomaalida  ah ee la shaqeeya ciidamada shisheeye oo haddii dhankeeda ay ugoostaan hubkooda loo lacageyn doono ammaankoodana la damaanad qaadayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items