Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamo Katirsan DF-ka lagula Beegsaday KM13.

Thursday March 08, 2018 - 21:32:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamo Katirsan DF-ka lagula Beegsaday KM13.

    Qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya deegaanka KM13 ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe qarax lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan 'Nabad sugidda'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay qaraxa, xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa sida ay baahisay idaacadda Andalus.

isbuucii lasoo dhaafay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa gallaaftay nolosha Boqolaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items